Ma isku dayday inaad kaguul gaarto yool, balse aadan gaadhin

Ma isku dayday inaad kaguul gaarto yool, balse aadan gaadhin

Ma isku dayday inaad kaguul gaarto yool, balse aadan gaadhin? Waxaad bilaabaysaa,dhowr maalmood ama dhow  toddobaad kadib waad joojisaa. Ha werwerin—ma tihid qof kaligii ah. Dad badan ayaa la kulma dhibaatooyinkan. Laakiin warka wanaagsani waa in ay jiraan sababo cad oo kaa hor istaagaya.

Qodobka koowaad. Sababta ugu horreysa ee dadka badankoodu u guuldareystaan waxay tahay in yoolalkoodu yahay mid aan caddayn. Tusaale ahaan, haddii aad tiraahdo “Waxaan rabaa inaan guulaysto” ama “Waxaan rabaa inan wax akhriyo,” kaliya waxaad sheegtay in aad howsha qaban rabto. Laakiin Waa inaad u dhigtaa si faahfaahsan. Tusaale aan kusiiyo: “Waxaan rabaa inaan iskadhimo 5 kiilo laba bilood gudahood anigoo maalin kasta soconaya 30 daqiiqo.” Ma arkaysaa tani waxay kusiinaysaa inaad kalajajabiso howsha oo si fudud aad ugu guul gaarato

Qodobka labaad waa inay jirtaa sabab ka dambayso oo aad u samaynayso iyo rabitaan wayn oo aad ka leedahay arinkan haddii aanay jirin sabab xoogan oo aad udoonayso in aad ugu guulgaarta hadafkan way kugu adkaan doontaa, mana sii wadi doontid. Marka ay xaalada adkaadana waxaad ku aqasbanaanaysaa inaad jooojiso waayo mabajirin sabab cad oo aad u doonaysay arinkan.

Qodobka sadaxaad Dadka badankood waxay yoolal dejiyaan iyaga oo aan qorshe samayn. Yool aan qorshe lahayn waa hal bacaad lagu lisay. Tusaala ahaan haddii aad doonaysid inaad wax akhriska bilowda waa inaad qorshaysaa buugee baan ka bilaabaa, imisa page ayaan maalinkii akhriyaa, bishii imisa buug ayaan dhamaynkaraa sanadkii imisa ayaan ku tashan karaa Inn aan dhameeyo, markasto oo aad qorshe cad samayso waa markasto oo uu bado jaaniska aad ku guulaysanlaheed

Qoodobka afaraad Sababta kale ee dadku u guuldareystaan waa iyagoo filaya natiijo degdeg ah. dadkuna waxay rabaan guul degdeg ah. Laakiin xaqiiqadu waxay tahay in guusha dhabta ahi ay qaadato waqti ayna ubaahantahay dulqaad. Haddii aanad samayn dulqaad, waad quusanaysaa kahor intaadan guul gaarin. Kaliya ku dadaal jadwalkaaga maalilaha ah

Qodobka shanaad Cabsida guuldarradu sidoo kale waa caqabad weyn. Dad badan waxay ka baqayaan inay ku fashilmaan, xitaa bilaabi maayaan. Laakiin guuldarrada waa qayb ka mid ah safarka guusha. Qof walba oo guulaystay wuxuu maray dhabbaha fashilka. Waxa muhiim ah inaad wax ka barato khaladaadka oo aad hore u socoto adigoo khibrad leh.

Haddaba sideebaan ku xalin karnaa arinkaas

Marka hore, yoolalkaaga ka dhig SMART, taasoo ah: Specific (si gaar ah u qeexan), Measurable (la cabbiri karo), Achievable (la gaari karo), Realistic (run ah), iyo Time-bound (leh waqti cayiman). Tusaale ahaan, halkii aad odhan lahayd “Waxaan rabaa inaan akhriyo buugaag,” waxaad odhanaysaa “Waxaan akhrin doonaa hal buug bishiiba,

Marka xigta, la soco horumarkaaga. Adeegso buug, liis, ama app si aad u aragto halka aad marayso. Xitaa hal tilaabo oo aad qaado wuxuu kaa caawin karaa inaad sii joogtaysid dadaalkaaga.

Ka fogow waxyaabaha kaa mashquuliya. Taleefanka, baraha bulshada, ama dad aan kugu dhiirrigelin karin yoolkaga .waaad si baartaa oo isku daydaa inaad ogoaatid waxa waqtigaaga kaa dhuminaaya, hana u oggolaan in ay dib kuusii mashquuliyaan.

Ugu dambayn rabigaa talo saaro waxaad xooga saartaa raali galinta rabigaa oo marwalbo ku dadaal inaad salaadaha ilaalisa.

Post a Comment

0 Comments